HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail

Mu'alifiintii Riwaayadaha iyo Curiyaashii Heesaha Somaaliyeed

Dadka Somaaliyeed waxeey si weyn uga xeel dheer yihiin dhanka Sugaanta Noocayeeda kale duwan waxeeyna leeyihiin Mua,alifiin Riwaayadaha ku caan baxay iyo Curinta Heesaha kala Duwan Dhanka Wadanigga iyo kuwa dabacsan, weyna ku kala horeeyaan habka Mua,alifnimo iyo hanaanka Abwaanimo, Sugaanta Somaaliyeedna waa dhaxal qaali ah oo Ummadda Somaaliyeed leedahay.

Waxaan Jeclahay in aan Halkan ku soo bandhigo Liiska Magacyadda Mu,alifiinta iyo Curiyaasha Somaaliyeed oo aan oran karro waa kuwo kaalinta weyn ka soo qaatay habka iyo horumarinta Doorka Sugaaneed ee Dalkeena Hooyo, Liisku uma qorna sidda eey u kala Caansan yihiin ama u kala Abwaansan yihiin ee Liis si Caad ah ku Qoran,waxaana dhici karta in aan ka illaawo Mua,lifiin ama Curiyaan Caan ah Markaa Qaali halaga ahaado,Waana kan Liisku:-

-Abwaan,Al-Marxuum- Xuseen Aw Faarax.
-Abwaan,Al Marxuum, Maxamed Cali Kaariye.
-Abwaan, Maxmuud C/Laahi Sangub.
-Abwaan, Xassan C/Laahi(Xassan Geni).
-Abwaan Maxamuud Cismaan Fooldhuub (jiif)
-Abwaan, Xassan Sheekh Muumin.
-Abwaan,Al Marxuum, Maxamuud Tukaale Cusmaan.
-Abwaan, Axmed Suleeymaan Bidde.
-Abwaan, Cabdi Muxamud Amiin.
-Abwaan, Maxamed Aadan Dacar.
-Abwaan, Cali Sugulle Cun-Carbed.
-Abwaan, C/Qaadir Cali Cigaal(Cirro).
-Abwaan, C/Laahi Diiriye Sooraan.
-Abwaan, Sheekh Ismaciil Xirsi Farxaan.
-Abwaan, Cabdi Aadan(Cabdi Qeys).
-Abwaan, Ibraahim Cajaa'b
-Abwaan, Maxamed Ibrahim Warsamme(Hadraawi).
-Abwaan,Barre Maxamed Fiidoow.
-Abwaan, Ibrahiim Cajaa,ib.
-Abwaan-Cabdi Bashiir Indha-Buur.
-Abwaan-Saciid Saalax Axmed.
-Abwaan,Al Marxuum,Max,d Nuur Xassan Shareeco.
-Abwaan, Sugaal Cabdulle.
-Abwaan, Cabdi Cali Weeyd.
-Abwaan, C/Qaadir Xirsi Yamyam.
-Abwaan,Al Marxuum-Cabdulle Raagge.
-Abwaan,Maxamed Ciise Ilka Casse.
-Abwaan, Sahal Macalin Ciise.
-Abwaan, Musician, Mulaxan Maxamuud Xudeydi
-Abwaan, Aweeys Geedoow.
-Abwaan,Laashiin, Axmed Cabdi Gaashaan.
-Abwaan, Cali Diiriye(Cali Gaab).
-Abwaan,M.C.Huryo.
-Abwaan,Al Marxuum,Yuusuf Xaaji Adan.
-Abwaan, Dakharre.
-Abwaan,Al Marxuum,C/Qaadir Xassan Nageeye.
-Abwaan,Saciid Xarawo.
-Abwaan,Cabdalla Nuuradiin Axmed.
-Abwaan,Al-Marxuum, C/Laahi Af-Qorshe.
-Abwaan,C/Qaadir Ciise Cagoole.
-Abwaan,Axmed Ducaale Xiireey.
-Abwaan,Cali Jaamac Boqorre.
-Abwaan,Al Marxuum,Cusmaan Askari.
-Abwaan,Heesaa Al-Marxuum,Cumar Dhuule Cali.
-Abwaan,Yuusuf Maradoon.
-Abwaan,Curiye,Qaaqaa,a
-Abwaan,Al-Marxuum,Axmed Nuur.
-Abwaan,Curiye,Yuusuf Tuug-tarabi.
-Abwaan,Curiye,Aadan Loo-shiday.
-Abwaan,Al-Marxuum,Meecaad Miigane.
-Abwaan,Curiye,Yuusuf Dankeli.
-Abwaan,Curiye,Maxamuud Maxamed Firin.
-Abwaan,Curiye,C/Laahi Hanti-Wadaag.
-Abwaan,Laashiin,Dr-Raafi.
-Abwaan,Curiye,Axmed Shirre Baanday.
-Curiye,Heesaa,Cabdi Taliil Warsamme.
-Curiye,Heesaa,Shimbir.
-Abwaan,Cali Mirre Cawaale.


-Abwaan maxamed abdi aar
-Abwaan,Faarax Guuleed.
-Abwaan,Yuusyf Yarre.
-Abwaan,Laashiin,Iikar Xaaji Leeb.
-Abwaan,Laashiin,Mardaadi Xaaji Dhagax.
-Abwaan,Curiye,Xassan Jaceeyl.
-Abwaan,Curiye,Xassan Xaaji(Xassan Guulwadde).
-Curiye,Shirwac Axmed Warsamme.
Iyo kuwo kalle oo badan laakiin Xusuuusto soo saari weeyday.


Abwaanaddan iyo Curiyaashan ayaa Riwaayado iyo Heeso Qiimo weyn leh Dhaxl uga Dhigay Umma Somaaliyeed oo ilaa hadda si weyn loo xiiseeyo, Intii Xagga Aakhriro u hooyday Waxaan Alle uga Rajeeyeey Janaddii Fardoosa inta kalle Caafimaad iyo Nolool Wanaagsan,
Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Xassan Carab
Dhahar.com

Copyright 2006. dhahar.com. All rights reserved