Qeybtii Afaraad.
Catooshe iyo feyte oo goobta joogga ayaa
waxaa u yimi Xayir oo
laba gabdhood la socdaan waxaanu ku yiri,
Xayir: gabdho heerinaa yimi,
Catoosh: waa hadalkii dadkii hore,
Xayir: hore miyaad u aragteen?
Feyte: hebbela waa ka maqalaa,
Xayir: caawaanu haynaa,
Catoosh: waa soo habaabeen,
Suuban: miyuu hadalku kaa dhacay?
Catoosh:
naa midaan heerya wadanoo
hullaabnayn sidaado
hilbihiyo jidhkeeduna
hadba ii bidhaamaan
aan hallacsanaayoo
haqayaan u baahnahay,
Suuban:
iyamaad hadhaagiyo
haysimada jeceshahay?
Catooshe:
hallalay ujeeddada
hadalkaaga meelay,
Qaafilo:
haanta aan lingaxa wadan
ee ceelka hawd iyo
higlo lagaga dhaansaday
iyo tii hinaydee
hilaydee daboolayd
iyamaad hantiyilayd?
Feyte:
saanu horeba kuu niri
waa hadalkii dadkii hore,
Suuban:
inantii habboonee
hooyadeed u faxanee
hiddaha iyo dhaqankiyo
lagu koriyey heegada
kalgacaylna lagu habay
diintana u heegana
iyo taanu heelayn
sharafteenana hodonka ah
iyamaad horjoogtiyo
haybaddeeda jeceshahay,
Catooshe:
haadiyo libaaxaba
giddi habardugaag iyo
humbullaan iraahdaa
waana lama huraanoo
hantidaydu waa deeq
habeenan kuu sameeyee
adna mayla haysaa?
Suuban:
hannadkii la sheegiyo
halyeey baan ku moodaye
rag haddaad ka hadhilayd
wallee kuma hawesteen,
Catooshe,
marka ina kala kaxay waayahaye, anniga laftaydu sidaan ku
oran lahaa
ma garanayee, ma dukaan baan kuu dhiibanayaa? naa i dhaaf
, heeryo!
mid madaxiyo manjahaba qaawan aan meel la tegi karo, magaalana
la
mari karo ayaan u baahnahaye, yaa adiga ku raaci karaya bal
eeg
waxaad sidatid!
Suuban:
naa inaga keen dibjirriinta, (iyadoo la hadlaysa qaafilo)
wayna ka
dhaqaaqeen,catooshe keliya ayaa masraxii ku hadhay, waxaana
u yimid
wiil soomaaliyeed oo qaxootihorle ah meeluu seexdana doonaya,
Catooshoo isla hadlaya, war suuqu soo xumaa caawana waa weekend,
' wax qarashoo lagu jabana lama hayo, sidaanu yeellaa hadaba.
Wiilkii: war walaaloow ma soomaalibaad
tahay?
Catooshe: haaye maxaa kuu daran?
Wiilkii: war salaama caleykum marka hore,
(isagoo gacanta soo taagaya)
Catooshe: war haaye, maxaa kuu daran? (isagoo
aan salaantii ka qaban)
Wiilkii: Alxamdulilaah haddaan soomaali helay!
war wallaalow haddaan
wadanka soo galay, inaan isdhiibaan doonnayey, waa habeenoo
xafiisyadii dawladda waa layga wada xidhay, marka waa daallanahay
meelaan jiifsadaana raadinayey, seexday koley haddaan soomaali
helaye, waxaan rabaa inaad caawa meel i seexisid, aroortiina
meelaha
layska dhiibo i geysid.
Catooshe: war heedhee koley soomaalibaa tahoo
meel waan ku seexine,
laakiinse waa haddii aynu is fahano.
Wiilkii: maxaad ula jeeddaa wallaaloow haddaynu
is fahano?
Catooshe: war waxanku weydiiyey raggeedii
ma tahay?
Wiilkii: war maxaad ka wadaa ninyohow raggeedii
ma tahay, waxanaad ku
hadlayso ma fahmayee, meelaan seexdo i geey walaaloow.
Catooshe: war ma jartaa?
Wiilkii: maxaydee? wax ma cabtaa miyaad ka
wadaa?
Catooshe: haa.
Wiilkii: war wallaaloow ma cabo, mana cabayee,
meelaan seexdaan rabaaye
may helaysaa?
Catooshe: ma soomaaliyaad ka timid?
Wiilkii: haa, soomaaliyaan ka imi.
Catooshe: gobolkee ka timi?
Wiilkii: qolamaad tahay maad iskakay tiraahdid!
intaasaad raadinaysaaye,
qabiil iyo qudhunbaad doondoonaysaaye, meelaan seexdo may
siinaysaa mise waa kaa tagaa?
Catooshe: war orod nagatag! waxaannaan
garanayn meelma seexinayee,
wuuna ka dhaqaaqay.
Wiilkii: war wuxu muslin miyaanu ahayn muxuu
meesha iigaga tegey!
war nimanyohow dhaqankii suubanaayee Soomaalida, ee martida
marka la sooro ka dib la waraysan jirey, ma sidan baa u
danbaysey? inaalilaah wa inaa ileyhi raajicuun.
"halkiisii isagoo taagan ayaa waxaa u timi Makorto",
Makorto: waryaahe iska waran.
Wiilkii: ALLA! waa gabadh soomaaliyeed, dumarkaa
raxmad badan watan
gabadhi ii timi, walalleey waa nabad, soomaaliyaan ka imi,
haddeeraana wadanka soo galay, meelaan iska dhiibana waan
waayey oo meel walba waa la xidhay, aroorotiibaan is dhiibayaaye
caawa meelaan seexdo i geey,
Makorto: ma iminkaad soomaaliya ka timi?
Wiilkii: haa.
Makorto: xiiixx!! waxan ku iri, qolyaroo
cidhiidhiyabaan ku jiraa kow
dheh, sariir keliyaana ii taal, meeshana waad aragtaa waxa
qabow dhacaya, dee gacal isma cidhiidhyee, ina mari
sariiriteenaas yar baynu iscidhiidhsane!
Wiilkii: wallaaleey horta waad mahadsan tahay,
laakiinse maad inamo iyo
wax ila raadisid weligay naag lama seexan, soomaaliyaan ka
imiyoo wayska kululahay, inantaada i magangelisayna inaan
ku
qaldamo doonimaayo, marka inamo iyo wax ila raaddi aan la
seexdo.
Makorto: weligaa mindhaa naag ma arag?
Wiilkii: dushaasuun baan ka arkaa laakiinse
sikale uma arag!
Makorto: yaaba helaba! hareerraha intay eegtay,
ayay gacanta qabsatay
oo gurigeedii ula carartay (iyadoo sii leh inaad is qarxiso
sow
ma doonayn ina keen caawa iyo aroortiiba annigaa
ku qarxinayee!)
Makorto
Qeybtii Shanaad
| |