Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail
Muuqaalka labaad

waxaa masraxii isugu yimi Deeq iyo Deeqo.

Deeq.

daruur ii hilaacdaay!
doogiyo cagaarkiyo
ubaxoo dillaacaay!
duddadiyo habeenkii
kolkaan derinta jiifsado
riyaad igula deristaa,
waxna lay dul keenaa
inagoo dalkeenii
doogiyo barwaaqada
ubaxii dillaaciyo
daristiyo cagaarkii
biyaa daawanaynoo
naxariis dareennoo
isku soo yar durugnoo
raxmadii daraaddeed
durba aan ilmaynoo
dibnaha isa saaroo,
dubaax iyo baruur iyo
dambar caana geel iyo
wadaagayno daymada,
dadku waa salleelee
haddii habar dugaag iyo
diibyaal yimaadaan
aynu isdaawanaayoo
docna aynan eegayn,
dadku ay ila yaabaan
kanu waa derderan yahay,
doorkanaa la soo falay
tanaa loogu dawgalay,
hadalkay daliiqaan
aynaan danaynayn,
waxaasaa dumaye xalay
lay daawisiiyaye
maku diirsanaysaa?

Deeqa.

farxadbaan la duukhoo
waannigan dubaaxshaye
dawadii naftaydoow!
nolodhaydan dallaladan
kalgacaylku daashadey
dareensiiyey aramida,
naftan daalanee maqan
degiwaydeyee raran
dayr iyo guáan arag,
aadigaa daryeeloo
dawgeedi mariyaye
waxiiyaad la damacdaba
aday kuu diyaartee
sidaad doonto iga yeel!!

Intaa markay tiri ayay xabadkiisa ku soo seexatay, ka bacdina waxaa ugu yimi
Deeq aabihiis (Khayre) markuu arkay wiilkiisii siduu wax u gelayo iyo halkuu ku
socdo ayuu wuxuu damcay inuu la dardaarmo, Deeq baa arkay wuuna ka naxay
aabihiis meeshuu ugu yimi, ka dib gabadhii buu wuxuu ku yiri, waa aabahaye
orodoo markuu iga tago igusoo noqo. (wayna ka dhaqaaqday) "odaygii markuu
arkay wiilkiisii inuu dariiq qodxanyo badan marayo, ayuu wuxuu ogaadey halka
wiilku iska qabsan la'a yahay inay isaga tahay, maxaa yeellay weliggiis waxba
uma sheeggin, lamana sheekaysan. odaygii isla markiiba wuxuu damcay inuu
wiilkiisa la dardaarmo.

wuxuuna ku billaabay dardaarankiisii.

Khayre:

saad ogtahay dirkaygiyo
dumadayda wiilyohow
adaa ugu daàweynoo
maanta ugu doorroon,
haddii waa dalleelee
naftu ay i deysoo
adna aad deligantoo
dawdartoo bahdilantoo
doqonniina socotoo
garanweydo dawgiyo
dariiqii habboonaa,
sow annigu kuma dilin,
dayacaa kumaaan badin,
diri kuma qanniinsiin,
aabahay la duugyoo
waxna iigamuu digin
deris iima ii dhigin
duxna iigamuu tegin
Deeqoow waa habaar weyn
dembi aan yarayn iyo
deyn weeye igu maqan,

waxaan caawa doorbiday
inta aan naftu i deyn
inaan kula dardaarmee
duub oo ha daayicin,

ninka daabad jecelee
dhaqday duunya xoolaad
rajadana cirka u diray
noloshiisu dayrtiyo
daruuraha ku xidhan tahay
diraacdana waxula hadhin
wuxuu diidayaa badan,

waxan uga danleeyahay
aabe annigu Deeqoow
dayac baan kusoo koray!
weligayna deebliyo
danyaraan ahaan jirey !
misna doorka waayaha
daàday iyo asaagay
wawgun damac fogaan jirey!
deeqoow dhalashadaadii
waa dunida maantay
farxad iigu daranayd,
waan dillaaci gaadhaye
naxdin hay dambaysiin,

Hawadiyo dabaylaha
beyàdaa dusheena ah
dayma aadan ku arkayn
aalada dawerayoo
dayac tiraya baa jira,
waxaan uga danleeyahay
aaboow daddaal iyo
dirqaan kugu korsheye garo!

ninka dallaga beertee
deyrka u samaystee
siidhkana ku daadshoo
daldalooshey ciidoo
dildillaacshayee qoday
saaqiyad duwadayoo
daadakana u leexsaday
dan weynbuu ka leeyahay
ogoow reer dambeed iyo
dux dhanbuu ka sugayaa,

waxaan uga danleeyahay
aabe dunidu waa tacab!

daarihiyo fooqyada
duunyada la foofsaday
dahabka iyo lacagtaa
damashkiyo xariirtaa
daymadeeda quruxdaa
indhaa lagu daraandaro
dalleel laguma soo helin,
dadkanaad arkaysaa
beri bay dulkleed iyo
duur joog ahaayeen
dabatiyo ku nool midho
maantana dushaadiyo
dayaxaa la marayaa,
Deeq waxan filaayaa
inay aabe daymadu
deris kuugu filan tahay!!!

Gudcur dama
habeen dumey
adigoo dayooboo
dalanbaabiyaayoo
diranaaya faruhuun
marbaa oog dildilaliyo
waagu kuu dillaacaa.

waxaan uga danleeyahay
jaahilnimadu waa dabar
dabin adan ka bixin iyo
deyr weeye kugu xidhan,
dalbo oo tacliin doon
dayax kuu iftiimiyo
nal aad daaranaysiyo
waa furaha dunidee
wax aqoon nafta u diro!

dafdaf marin cidhiidhyoon
dacni noloshu jeceshahay
danibaa ku siiyoo
damacbaa ku geliyee
waa lagaa dambeeyaa
waana lagu dul jooggaa!!!

waxan uga danleeyahay
dunidu waarimaysee
dariiqii rasuulkiyo
diinta haysku ceebayn.
Deeqoow salaadiyo
faralkana hasii deyn,
ogoow daarta aakhiro!!

Daaìra kudaafoo
dawo aan lahaynoo
dullinima ku waaroo
daahirinin baa jira!

waxan uga dan leeyahay
doqonbaa habaaboo
ka dayooba noloshee
duufaanka dhacayiyo
daadku yaanu kula tegin!

dadbaa kugu lamaanoo
maaha dunidu keligaa,

waxan uga danleeyahay
war ha noqon danaystee
kartidiyo dadaalkaa
waa inay dayaafiyo
deeq ay ahaataa,
aaboow qof daganoo
dulman oo tacbaanoo
dacdaraysan taageer
maatadana daadihi!!

Afrikaanka doorkii
maalintii daboolkiyo
doobigiisu buuxsamo
kibirbuu dillaamaa
waayo waa daciifoo
wuxuu doonayaa fudud!

waxaan uga danleeyahay
hidihiyo dir soocyada
dhaqankeenu waa dahab
waa damaanadaadee
weligaa ha daayicin!!!

Waa dardaaran aaboo
waa duluc abwaanoo
duugoobimaysee
dib ayaanay kuu xilin,
dembina yaanay kugu noqon,
ducana waaban kugu daray.


Deeq markii aabihii dardaarankii u dhameeyey ayuu ka dhaqaaqay Deeq baana
masraxii ku soo hadhay isagoo amakaagsan oo hadaladii aabihii ku duxayaan
ayaa waxaa u timid inantii saaxiibadiis Deeqa, oo uu markii ku yiri marka aabe
iga tago igu soo noqo. si ay u wada laacdamaan.

Deeqa: baby muxuu baaba ku yiri?
Deeq: aabahaa ma nool yahay? (isagoo murugyasan xaggeedana eegaya!)
Deeqa: maya, (iyadoo ka yaaban su'aasha wuxuu ugala jeedo)
Deeq: wuu ka dhaqaaqay!

Deeqa: tolow inankii ma aabihiisaa igu diray wuu ii haggaagsanaaye, .aabahaa
ma nool yahay? afsoomaali xumaa.(halkeedii iyadoo taagan ayaa waxaa u yimid
Dalmar waa inan Soomaaliyeed oo waddaad guurdoon ah, haystana hiddaha iyo
dhaqankii asiiliga ahaa, gobal degan oo beryahanba raadinayey, gabadh
Soomaaliyeed oo uu guursado, markuu arkay gabadhana aad buu ugu farxay)
wuu u yimi wuxuuna ku yiri,

Dalmar: salaama caleykum
Deeqa: waan kaa qaaday!
Dalmar: ma Soomaali baad tahay?
Deeqa: may!
Dalmar: haddaa sowdiga afsoomaaliga ku hadlayaa, maxaad u inkiraysaa,
Deeqa: adigu suàal xumidaa, waad aragtaa inaan somaali ahay afsoomaalina
kugula hadlayee, maxaad ii weydiisey,
Dalmar: haggaag! magacaa wallaal?
Deeqa: Deeqa.
Dalmar: anna Dalmar baa lay yiraahdaa, barasha wanaagsan.
Deeqa: wanaagsan.
Dalmar: walaal i dhegayso, waxan ahay wiil soomaaliyeed oo guur doon ah,
gobolbaan degganahay, beryahanba waxaan raaddinayey gabadh
soomaaliyeed o aan guursado, wax xuna kaama rabo, ummad isku
af ah,isku diin ah, isku dhaqan ah, oo isku hidde ah baynu nahay,
qurbena wada joogga meelna kuwada nool, dee ka waran hadaynu
is guursano?
Deeqa: ma anniga ??
Dalmar: haa
Deeqa: war naga tag! badowyohow xumi, annagu waxaa nagula hadlayaa
(iyadoo ooyaysa ayaa waxaa masraxii ugu yimid odaygii Kadare)

Kadare: adeer maxaa ku helay?
Deeqa; adeer kaasaa na caayey.
Kadare: oo muxuu ku yiri?
Deeqa: dee wuxuu nagu yiri, waan ku guursanayaa!
Kadare: war bal inkaartan kaalaya, oo maxaad doonnaysey inuu ku yiraahdo?
Deeqa: nacaska xumi annaga ma badow buu na moodey, dadku marka hore way
saaxiibaan hadhow bay haday isku af gartaan is guursadaane, annaguu
badow na moodayaa ( iyadoo indhaha illintii iska masaxaysa)
Kadare: war maxaad inanta waxaa ugu tiri?
Dalmar: adeer xumaan maan oran, guurdoonbaan ahaa ka bacdina mays
guursanaabaan ku iri, dabadeedna way oydey, mayadaa qaldan mise
anaa qaldan?
Kadare: isagoo inankii la hadlaya, war heedhee waa kuwii la sheegayeye
saaxiibay doonaysaaye mala saaxiibaysaa?
Dalmar: may adeer, guur baan u baahnahay, marka gabadh hannuunsan baan
doondoonayaa.
Kadare: orod waad helaysaaye, gabadha yaree saaxiibka doonaysa iskaga tag,
Dalmar: waa haggaag, (wuuna ka dhaqaaqay)
Deeqa: adeer innan wanaagsan baan ahaye, isagaa i aflagaadeeyey.
Kadare: ina keen adeer annigaan ku aflagaadeynayne, (wuuna kexeeyey)

Makorto Qeybtii Sadexaad


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved