|
Abwaan Maxamed Adan
Maaweel maaweelpoet@yahoo.com
Abwaanka
magaciisa la yidhaahdo Maxamed Aadan oo ku magac dheer Maaweel,
wuxuu sanadkii 1942 ku dhashay magaalada Ceerigaabo, wuxuune ku
soo barbaaray magaalada Cadan ee dalka Yaman, wuxuu ka soo shaqeeyey
shaqooyin kala duwan oo ay ugu badnayd maraakiib uu ugu kala gooshey
meelaha ay ka midka yihiin Yurub, Asia iyo Carriga Maraykanka, wadamada
Kuweyd iyo Sucuudi Arebiya ayuu iyagana Maaweel shaqooyin kale ka
soo qabtay; Sanadadii sideetameeyadii wuxuu ahaa guddoomiyihii kooxdii
shaqaalaha ee Xasuus. Maaweel hadda wuxuu ku nool yahay xerada qaxootiga
ee Xagar Dheere oo ku taalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Maaweel wuxuu ka mid yahay magacyada ugu caansan gabyaaga soomaaliyeed
ee hadda nool, wuxuu leeyahay gabay xagga murtida iyo dhinaca afka
soomaaligaba hodan ku ah oo u qaybsama kuwo waddani ah, qaar kaftan
iyo jareexo ah oo ay rag ay saaxiibo yihiin isku xifaaleeyeen oo
ay dadka dhegaystaa si weyn u jeclaystaan, iyo kuwokale, waa abwaan
waddani ah oo dalkiisa iyo dadkiisa iyo dhaqanka soomaalida iyo
kan muslinkaba si aan la soo koobi Karin u qadariya, Maaweel waa
abwaan dabci-san oo fur-furan, bulsheyna ah, isla markaana xishoodka
iyo tixgelinta deeqsi ku ah
marka aad la joogto kama dhergaysid
sheekadiisa xigmadaysan ee u badan suugaantiisa iyo dhulalkii uu
waayo waayo soo maray.
Maaweel wuxuu dhowaan socdaal gaaban ku soo gaadhay magaalada Nairobi
ee dalka Kenya, Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida
xiiseeya ayaa Maaweel ku booqday Hoteelka uu degan yahay, waxaana
Ibraahim iyo Maaweel dhex maray xog waraysi ku saabsan Maaweel iyo
suugaantiisa. Ugu horrayna Ibraahim wuxuu Maaweel weeydiiyey waxa
uu ka qabto xerada qaxootiga iyo ujeedooyinka socdaalkiisa Nairobi,
wuxuuna maaweel ku jawaabey:
Nairobi arrimo caafimaad ayaan u imid, waxaana taas ii wehelisey
shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee la sheegay in halkan lagu
qabanayo oo aan doonayo bal inaan xagga dhiiri gelinta kaga qayb
qaato, waxaa labadaas ii raaca saaxiibaday iyo wixii qaraabo iigu
toosnaa oo aanan intii burburku dhacay wax war ah ka helin wax dhintay
iyo wax nool inaan raadiyo, inaan noolahahayna aan ogaysiiyo socdaalkayga
waa ku jirtay. Taasi waa taas. Qaxootigana waxaan u shaqeeyaa hayad
UNta hoos timaadda oo lagu magacaabo Peace education, hawsheeduna
waa hir gelinta nabadda oo aanu bulshada cashar ahaan u siino.
SUAAL: Qaabkee ayaad casharada nabadda dadka ugu gudbisaan?
MAAWEEL: Qaabka aanu casharada u gudbinaa waxa weeye, koox
macalimiin ahi waxay qiimaha nabadda baraan ardayda iskuulada wax
ka barata, koox kalena dadka waaweeyn ayeey nabadda ku hanuuniyaan
oo waa Facilitators, masalan waxaanu weeydiinaa qofka; kumaad tahay?,
maxaad hanti haysataa?, caruur ma leedahay?, markuu ka jawaabo,
ayaanu haddana waydiinaa suaal ah; Ma adigaa Illaahay kula
gor gor-gortamay inuu waxaad haysato ku siiyo mise Isgaa kuu gartay,
markuu yidhaahdo Illaahay baa ii gartay, ayaanu markaas ku waaninaa
in sidiisoo kale dadku waxay haystaan uu Illaahay u gartay, haddaba
uu dadka iyo waxay haystaanba u nabad geliyo, isaguna iimaansado
wax uu illaahay u gartay. Waxaanu bixinaa casharo ku saabsan la
dhaqanka dadka, waxaa jira wax la yidhaahdo Better communication,
soomaalida waxaad ku dhex arkaysaa toban qof oo sheekaysanaysa oo
dhamaantood hadlaya oo aan is dhegaysanayn, marka waxaan barraa
in qof keliyihi hadlo, inta kalena dhegaysato. Taasna waxaa loo
adeegsadaa wax la yidhaahdo; Two ways communication, oo ah in qof
keliyihi hadlo oo markuu dhamaysto mid kale hadalkii qaato, waa
halka ay soomaalidu kaga maahmaahdo; Caanaa la wadaagaaye, hadal
lama wadaago. Waxaa kaloo jira qaab ah; One way communications,
sida raadiyaha, wargeeysyada iwm, oo ah wax aan loo jawaabi Karin
oo adiga uun war kugu shubaya, siyaalahaas ayaanu wax u gudbinaa.
SUAAL: Maaweel, waxaad tahay nin gabyaa ah, haddaba gabayga
ma cid baad ka hidda raacday mise waa wax adiga uun kugu bilowday?
MAAWEEL: Gabyga waxaan ka hidda raacay aabahay, labadaydii
awoow, abtiyaashay iyo habaryarahay oo awoowgey Aabbe waa kii lahaa:
Talaabada guracan geelu waa tigintigleeyaaye
Uurka ha ka tawelin nin kuu taagan baan ahaye!.
SUAAL: Ma xusuusan kartaa gabay aad tiriso, tixdii kuugu
horeeyey?
MAAWEEL: Haa, abtigay Cabdi Saalax oo Boqolle ku magac dheeraa
ayaa annagoo 1964kii aroos Cadan ah joogna, aniguna aan 19 jir ahay
wuxuu arkay gabdho badan oo I sal-salaamaya, dabadeedna subaxii
ayuu ii gabyey oo wuxuu yidhi:
Cishihiyo aroortii haddaad daba carraabayso
Sidii Caynaboo kale haddii calan laguu saaray
Oo ay taagtan kugu caashaqeen ma lihid caaqiibe!!.
Markii uu abtigay tixdaas igu ridey ayaan tuhmay in abtigay la
igu diray dabadeedna waxaan tiriyey tixdii ugu horraysey gabay aan
tiriyo, waxaan idhi:
Cabdillaahiyoow hadal rag kale ha igu ceebayne
Casho keliya meelaan maraad igu cadhayseene
Caddaana uma hubtide awgayoow ways cunsuriseene
Cadri baad I saarteen abtoow adiyo cuurkaaye!!!.
Xiligaas aan Cadan joogey, waxaa soo baxay dhaqan cusub oo ay dhalinyardu
la timid oo ay cayaar Twice la yidhaahdaa ka mid ahayd, markaasaa
aroosyadii aanu ka gabyi jirey ee ku caweeyn jirey naloo diidey
oo waxaa la yidhi: Laba iyo toban wiil iyo laba iyo toban
gabdhood baa ka ciyaaraya oo Team Party baa loo beddelaye idinku
raali naga ahaada
kolkaasay xoogaa haantaa haduub la
ahi nagu dhacday, dabeed waxay ila noqotay inaan ciyaalka gaafka
naga qabsaday gabay ku muquuniyo ilayn hubkii ugu weeynaa ee markaa
la isu adeegsan jirey gabay buu ahaaye, waxaan mariyey tix ay meerisyadani
ka mid ahayd:
Inta wiil tabaadi u dhashay oo maantana is taagey
Oo ay turuqyadiisii madheen taharihii jiidhku
Oo aan waalidiintiis wax tarin tacaddi mooyaane
Oo ay tolkii kala samreen laysna taakulinin
Oo cudur Tuwiistiya dhamaan lagu tabaaleeyey
Todobaatan waa lagu hubaa tiinkan soo baxaye
Timahaa ka badan inamadaan wada tebaayaaye
War hooy Timir laf baa lagu arkee taa ha la ogaado!!.
Gabaygaa markaan mariyey ayaa Baararkii ay ku ciyaari jireen laga
wada xidhay, halkaasayna ku baabaday.
SUAAL: Silsiladaha gabaydaada loogu jecel yahay waxaa
ka mid ah gabaydii adiga iyo Khaliif Xasan Walah idin dhex maray,
haddaba, maxaa sabab u ahaa inaad Ina Walah isu gabydaan?
Maaweel: Waxay ku biloowdeen, annagoo aan is aqoon, oo aan
Sucuudiga joogo, isaguna uu Muqdisho ku sugan yahay ayaa Khaliif
Xasan Walah lagu yidhi: Maaweel iyo Barre Cilmi Dable ayaa
sucuudiga isugu gabya oo adigana kuma yaqaaniin
halkaasna iyagaa
gabay ku haysta. Waxaa loo geeyey gabayo siinley ah oo aanu
aniga iyo Barre-yare isu marinay, Khaliifna waa naga da weeynaa,
halkaas ayuu xin qooq iyo nin toocsi ka soo diray, tix dheer oo
uu noo soo tiriyey waxaa ku jirey meerisyadan:
Barre wuxuu Siraadley u koray guudkana u seexday
Maaweela surucii ku kacay Surrad u gaadhsiiyey
Oo labada buuroode siman maanta kala saaray
Oo ay safaynka u yihiin loona kala soocmay
Ee reer Sanaag nabad gelyada ugu safaadaayo
Ma sinsaaro xidid baa dhacdoo maro la saaraayo
Ma sabool hunguri jiitey baa loo suburi waayey
Ma sokeeye gaajaysan baa sarar wan weyn qaatay
Ma ciqaabadaa sahakan dhacay laysku weada seegay
Mise reer magaal saaqidaa seef isugu dhiibey
Saqda dhexe waxaa loo tumaa sacabka waa xeele
Sididiida iyo hiihdu waa sogordoh waayeele
Suul-daaro meel loo wadaa lay sandahayaaye
Ilaa gabayga meel lagu sardoho sababna loo yeelo
Oo aan saxiixiisa helo waydin sugayaaye
Saaxiibayaal noo dhakhsada waydin sugayaaye!!.
Markii aan helay tixda Ina Xasan Walah, anigu ninka ma aqoon sidaa
darteed waxaan xuuraamay inaan dabeecadihiisa wax ka ogaado, waxaana
ii soo baxday inuu Kenya joogi jirey oo qaadka iyo hawlihiisa ku
xun yahay, markaasaan u diray tix ay tuducyadani ka mid ahaayeen:
Sakaar weeynta Kiiniya marakaad saar la tumanaysey
Saqda dhexe habaynkii adoo saambe jebinaaya
Adigoo surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka
Oo aan sanqadhi kuu baxayn laguna saaraynin
Oo sawdka kaad ugu jeclayd sare u qaadaaya
Simbiidhooyinkaad dhigi jirtiyo seleladaadii dheh!!.
Khaliif Xasan Walah wuu ii soo jawaabay, waxaana ka mid ahaa gabaygii
uu ii soo diray:
Sakaar weeynta Kiiniya markaan saar la tumanaayey
Markii aan surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka
Kolkaan sawdka kaan ugu jeclaa sare u qaadaayey
Ma saqeeyihii baa warramay gurayey saabaanka
Ma sameecaddii baad ahayd hadalka saydhaysey
Siglankiyo halawgii miyaa kuu sudhnaa dhegaha
Duq sagaashan jirey baan ahay iyo dayr siyaadaahe
War maadaa sirtaydiyo ogaa waxaan samaynaayey!!.
SUAAL: Qaar badan oo ka mid ah dadyoowga suugaanta lafa
guraa sida ay qabaan, gabayda waxaa ugu xiiso badan kuwa la is weeydaarsado,sida
kuwa aad saaxiibadaa ku xifaaltanteen, hadaba, Maaweel, yaa kale
oo aad foodda is darteen?
MAAWEEL: Waxaannu foodda is gelinay oo aannu silsilado badan
isla soo maray abwaanka la yidhaahdo Barre Cilmi Dable (Barre-Yare)
oo ka mid ah saaxiibada aan baafinayo oo aanan xog ka hayn halka
uu ku sugan yahay.
SUAAL: Maxaa sabab u ahaa inaad Barre-yare isu gabaydaan?
MAAWEEL: Anigoo Kuweeyd jooga, isaguna uu Dahraan ku nool
yahay ayuu nin iigu soo dhiibey fariin ahayd Maaweel waxaad ku tidhaahdaa
dirayka Lee la yidhaahdo ayaa noo daran, taas daandaansi baan u
qaatay waayo wuu shaqeeyaa, dhaqaalihiisu waa ladan yahay, marka
waxaa ii soo baxday inuusan Lee waayine uu ilaaq u jeedo, dabadeedna
waxaan u tiriyey gabaygan:
Dadqal yahow hunguri daamadaa dawgalkaa yahaye
Dibnahaa Illaah kaaga dhigay dararti maandeeqe
Ninkaan dabaqa kuu buuxinayn waad dudubisaaye
Sida aarka Doollo iyo fadhiya daarsi iyo Faafan
Oo wiig intuu soo dib jirey digi ka yeedhayso
Oo daacuftiisiyo wejiga laga dedoonaayo
Oo debedda soo yuururaan cidi danqaabaynin
Dawo ma leh naftaad maalintaa daanka gelisaaye
Sida roob intuu dirin cuskaday doog ka bixi waayey
Ama Diiri meelay gashay oo daaqi ka idlaysay
Ama bohol dalooshoo cirkii daayey qoyn waayey
Durdur lacaga, duufaan nimca ah ah, daaro wada Luula
Deeqii Illaaheen haddii lagu dabaalsiiyo
Kolba adigu kii diif lahoo duud xun baad tahaye
Hadba ruux dal dheer kaa jiraad doona leedahaye
Dahraan iyo Xijaas iyo intaad Khobor ka soo duushey
Daman maysidoo waxa ku galay damac magaaladae
Dayrkii Sucuudiga intaad duhur ka soo boodey
Dadkeenii anaa kuu hadhaye ma igu soo duushey!!.
Saaxiibkay Barre-yare kolkuu tixdayda helay ayaamihiiba wuu ka
soo jawaabay oo wuxuu ii soo tiriyey tixdan, wuxu yidhi:
Daldalyohow af xumo duur xuluu dawgalkaa yahaye
Dibnahaa Illaah kaaga tiray sun iyo deebaaqe
Nikaan dabar lugaha kaaga xidhin daqarna kuu geeysan
Amaan daanka feedh kaala dhicin waadan dayn karine
Haddii duunyo cay lagu helo oo dawlad lagu gaadho
Daarood ku sii hadaladaan daahirka ahayne
Dadka kalena waa kuu fasaxay adiga deelqaafe
Duqsina wuxuu gubtaa maalintuu maraq dabaashaaye
Daf uun baad I soo tiri sidii xaabo daad sidoe
Nina haddii dabaakh lagu ismo uu daasadaha maydho
Danba wuu isaga yeelan jirey damaca naagoode
Inaan maraqa kaa daadiyaad igu diraysaaye
Sida aarka Doolliyo fadhiya dabaqyadii hawdka
Dadkoo iga fajacay xoolohoo didaya xiinkayga
Waxaad iiga daba qaylisaa Dawac sidiisiiye
Buuraha dubaaq xaajadaan geeyey dabadooda
Maadaa duwadey dhawr ninoo doonayaa jiraye!!.
Gabayo badan ayaa aniga iyo saaxiibkay Barre-yare na dhex maray,
mar dambe ayaanu heshiiney oo is deeyney.
SUAAL: Ma jirtaa cid kale oo aad gorodda isla gasheen?,
hadday jirtase maxaad isku gasheen?.
MAAWEEL: Haa, waxaa jirey nin Sheef la odhan jirey oo aanu
isu gabaynay, waxaanuna isku gallay anigoo Kuweyd ku cusub ayaa
la damcay in la I muaamaradeeyo, markaasaan wax iska rabey,
markaasay reer Kuweyd igu yidhaahdeen: war ilayn suxufiga
soomaalidu waa gabyaagee todoba bilood baad nala joogtaye maad wax
na tidhaahdid, aroosyada uun baad hablaha ka amaantaaye, miyaadan
juq kale hayn, reer Kuweydna masayr iyo wax bay ku xamaan
jireen, markaasaan ku idhi war gabaygiinaa meel xun ka furan, waxaad
arkaysaa qof dumar ah oo guriga kor lagaga xidhay, mar dambe ayaan
tixdan ku sii daayey, waxaan idhi:
Nimankii qurbahan laasimoow aaxin soo noqoye
Leedada fardaha kuma galaan odayo liitaaye
Leexada markuu tiigsadiyo laashimo u muuqda
Laafyaha markuu kala baxshood leeb la galay mooddo
Laxaadkiisa wiilkii qaboo labaca mooyaane
Lawyadu ninkii ay debceen loodin kari waaye
Lixdan idinka oo wada jiruu liicay dhabarkiinu
Lanleebadu markay idin gashaad luufka barateene
Haddaydaan hablaha laylyanayn haysku laalinae
Lebis fiican waw iibisaan laasin qaayo lehe
Ha yeeshee halkaan laabtu jirin kuma lulmoodaane
Leeleelka dumarkii Kuweyd looxa lagu duugye
London bay ka faalaynayeen maanta labadiiye
Wax la yidhi libdhada soo baxdiyo laydha ma arkaane
Wax la yidhi lamaanaa ka xidhe lug iyo waaxdeede
Haddayna leanayaan gacalka jare umana laabtaane
Siday Luul ka gurayaan dhulkay laan ku qodayaane
Lafse qaloocan baa laga alkumay liisha naagahae
Hadba meesha lagu laynayuu ladh uga muuqdaaye
Lalabaha hadaydaan ka dayn laadka iyo hiifka
Amaad laamiyada raadisaan waydin lurayaane
Lo miyaa gabdhuhu qoob ka xidha waad ka lulataane!!.
Markaan tixdaas tiriyey bay xaaladdii cirka isku shareertay oo
ay aniga iyo reer Kuweyd noqotay, waxaa ugu horayn ii soo jawaabay
gabyaa la yidhaahdo Sheef, wuxuu yidhi:
Xasaradow miyaa Maxamedoow xarafki kaa weecday
Xigaaliyo qaraabiyo tol iyo xidid ma ceebaysay
Miyaan xaal ku qabanayn af waa lagu xujoobaaye
Nin magaalo wada xaasidaa waa xaqiirnimoe
Waxa aan xogtii helay inaad xaasna leedahaye
Taadaba xoriyad sii haddaad xumo la doonaysid
Anagana xijaabkaa u daa xaydka lagu meershey!!.
Ninkaas waxaan ku idhi xaasid baad tahaye adigaa iga helaye maxaad
nin gabyaa ah ugu geeyn weeydey. Gabayga Sheef ayaan isagana soo
xuuraamay waxaanna soo helay inuusan xaasba lahayn, dabadeed tixdan
baan u mariyey, waxaan idhi:
Xisaabtayda Sheef kuma qorayn mana xusuusnayne
Inuu aniga ii xaydan yahay ma xusbadaynayne
Lugtooday riyuhu xaabadiyo xanan ku doontaane
Xaruurigan magaalada degsaday ways xanibayaaye
Goortay xamaasadi dhacdoo la isku xayraamo
Xisbu mucaarad sida uu yahoo Harar xoraynaayo
Xusul duubka iyo guuraha iyo xawligiyo diifta
Xididka iyo sokeeyahaba waa inuu xujeeyaaye
Sidii habar xinaha iibisa oo xaafadaha meerta
Oo xoogag diirdiiran oo xeegada ciyaarta
Xagaasuu u sii qaadayaa waruu xambaaraaye
Muxuu xaal igaga doonayaa xilo miyaw jooga!!.
Markaanu aniga iyo Sheef labadaa gabay is dhaafsanay ayuu gabyaa
Bashiir Ismaaciil la yidhaahdaa bardoodankii soo galay, waxaa ka
mid ahaa tix uu ii soo tiriyey meerisyadan:
Halkii lagu dhintaa buu nin ragi guul ka dhaliyaaye
Midse dumar dhexdoodiyo haween qaad ku dhilanaayey
Inuu golaha dhinac joogsadaa waa waxaan dhicine
Dharaarahanse Maaweel haddaad hadal la soo dhooftay
Dhamaan baa diyaar loo ahaa kaan dhaliil geline
Haddaanu dhaawac kaa yeelanayn waanu kaa dhuriye
Dhowaanse reer Margaab1 sheekadaad kula dhex meeraysey
Ogoobeey dhankaad ula qasdiday nooma dhaadhicine
Dhabaan kuula wadayaa hadduu dhaamo kii horae
Haddiise xarafku kaa dhaaban yahay lagu dhaleecowye
Aniguna inaan kula dhigdhigo haw dhursugin taase!!.
Gabayga Bashiir Ismaaciilna waan ka jawaabay oo waxaa gabaygii
aan u tiriyey ka mid ahaa tuducyadan:
Bashiiroow warkaad soo dhurtee igu dhaleecaysay
Dhawdaad lyeedhiyo dadkood dhiilo gelinaysid
Sidii dhagax qof waalani ridoo dhiibshey gacantiisa
Dhab-darro iyo is yeel yeel inaad dhalada ii xaadho
Oo aadan ii soo dhabacan cidi ma dhaadayne
Dhayalse hadalku iigama tago iyo magane dheel dheele
Dhuuxiyo laftaan kala sugay iyo seedahaw dhigane
Dhulkana waxaan u doojaa sidii dhibicda roobaade
Inuu gabaygu kaa dheeliyaa waa dhirrici weeyne
Raganimada waa loo dhashaa lalana dhoofaaye
Dhacadiidka guudiyo ma aha dheehan kugu yaale
Waa dheefta maankiyo caqliga la isku dhaamaaye
Waxyna abeeso kugu dhaawacdaa dhul ekaanshae
Waa dhabana hays Dhidar libaax dhaar u soo diraye
Dharkayna caanihiis lama dhamoo waad ku dhimataaye
Dhunkaala waxaad cantuugtaa markaad dheelmo leedahaye
Hadday nabadu waa lagu dhergaa kuu dhadhami weeydey
I dhegayso caawaan tixaha kuu dhambalayaaye
Markase suuqa laysula dhaco iyo dhaantadiyo jaadka
Dhan kaluu jiraa dumar ninkii laga dhex waayaaye
Ha dhabqinina afsoomaaliga oo haysu dhiibinae
Haddaad hadalka dhiiftaad u tidhi kaga dhabaynasid
Ha dhuumaalaysanine maad halkaa horay u soo dhaaftid!!.
Rag kale oo tiro badan ayaanu isu gabaynay oo ay silsilado kala
duwani na dhex mareen, laakiin kama gaadhayno inaynu ka wad sheekayno
maanta.
SUAAL: Waa yahay, waa gabayo kaftankooda aan laga xiiso
gooyn Karin, waxaa jira gabay waddani ah oo aad tirisay oo aad loo
jecelahay, laguna magacaabo: Aan isku dhoobnaano, kaas maxaad maanta
ka xusi kartaa?.
MAAWEEL: Gabaygaasi wuxuu ka mid yahay gabayada aan midnimada
soomaaliya iyo wax wada qabsashada bulsha weeynta somaaliyeed ku
guubaabiyey, waxaa ka mid ahaa:
Dhardhaaradu hadday laba yihiin dheri ma qaadaane
Waxaa dhagaxa kale loogu daray shaygu yuu dhicine
Qofna keli ma dhiirado haddaan dhawr la ciidamine
Dhuuryaale kama liidanee aan isku dhoobnaano!.
Col la dheelmay meel lays dhigay iyo guluf dhalaan dooxa
Dhinacyada hayaayda u baxday iyo dhiilo dami weeydey
Adigoo dhabiibyey oo jilcay oo dhoombir kugu yaalo
Dhakhtar kula tegyaa iyo si kale kuula dhididyaaba
Nimaan dhidid adoogaa ku jirin dhaqana kuu keenin
Hadday dhahato waa kaa tagaa kuuma dhiidhiyoe
Dhabar baan ka soo wada baxnay iyo dhayso habaraeede
Wuxuuna dhabarku ii daalayaa yaadan dhaxamoone
Dhabbo keliya aan wada marroo aan isku dhoobnaano!.
Dhafrkii tidcani aqalka waa dhidib adkeeyaaye
Shan dhagaatiyaal wada jirkood dhumucdu weeyaane
Hadday dhudiba meel taagan taahay dhiil ma hayn karoe
In kastoo dhufeeciyo xaskulo dhuub leh laga diiro
Lama kala dhuftee xadhiga waa la isku dhawraaye
Inaguna dhiggiisaan nahee aan isku dhoobnaano!.
Dheeriyo dhowiyo jooge iyo dhaafi iyo qaayib
Dhedig iyo labood ceebtu waa ina dhex taallaaye
Dhalinyariyo waayeelba waa ina dhibaysaaye
Dheg la jaray daloolkaa hadhiye aan isku dhoobnaano!.
SUAAL: xiligan ay dagaalada sokeeye iyo dawlad laaantu
ummadda soomaaliyeed daashadeen ma ka gabayday?
MAAWEEL: Haa, ilaa 1992kii gabayaan marinayey, waxaa ka
mid ah mid aan ugu magac daray xanaf Kaneeco oo ay midhahni ku jireen:
Soomaali xidid baa furraa tan iyo xaataaye
Waxaana xawl marriidada ka galay xeer qabiil dhigaye
Xanjareeridaasay tolimo ku xejinaayeene
Ilaa kaas la xidho Baanday2 uma xasilaayaane!.
Waxaa kaloo jirta tix aan dadkan dhoofaya ee dalkoodii ka sii cidhib
goaya ka tiriyey, waxaana ka mid ah meerisyadan:
Dhul shisheeye dhacadiidsi iyo ma laha dhaax jooge
Dharaar iyo labaa lagu sugaa dhaanka kuu maqane
Haddaad dhaaftid noloshaadu way kala dhantaalnaane
Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!
Dhurwaayada dad quutaa jiroon dhaafin oo cunae
Dhinacyaa u wada kaydsan iyo Dhidar baruur weeyne
Dhudhun dhaylo Khaansiir kuwaa dhuuxayaa jirae
Dhegsin Haram-cad, dhay jeex Dawaco hilib la dhuundhuunshey
Daayeer dhuguugucay haddii Dhiishka lagu siiyo
Waxaan waalidkood dhaawan jirin waa ku dhegayaane
Dhira dhabato iyo caano aad dhirin dhir moodaysid
Ama dhiil khamriyahoo la furay wayska dhamayaane
Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!!.
SUAAL: Ugu dambayntii, Maaweel, dalkeenii weli ma xasiloona
oo dagaalo ayaa meelaha qaar ka socda, burbur ayaa beled iyo baadiyeba
ku baahay, dalkiina weli dawlad dhexe oo siyaasadda dalka hogaanka
u qabata ma leh, in badan oo soomaali ah ayaa goonyaha kala fog
fog ee dunida qaxooti ku ah, wax waliba waxay u muuqdaan inay sidii
caadiga ahayd ka fog yihiin; marka maxaad maanta soomaali ku odhanaysaa?.
MAAWEEL: Waa run waxyaabahaas oo dhami way jiraan, waana
tiiraanyoodaa marka aan soo xasuusta halka ay maanta qaranimadii
soomaaliyeed taallo, waxaan soomaali maanta ku odhan lahaa afartan
hal:
Soomaaliyeey talo cid kale kama sugaysaane
Mana soo socdaan qoom kaloo idin saxaayaaye
Idinkuna sidaad wax u waddaan waa silloon tahaye
Sawir fool xun baydiin bixiyo ceeb sujuura lahe
Inta aan silsaal idinku dhicin sigate dhawr jeere
Amaydaan u sayn goin sidii qaramadii suulay
Ka siq-siqa mar uun ceebta waa laga sariigtaaye
Kana saami gala nabad gelyada sare u qaadkeeda!!.
Kala xidhiidh Abwaan Maxamed Adan Maaweel: E-mail: maaweelpoet@yahoo.com
Waxaa xog warraystay: Ibraahim Maxamedeeq
Imdeeq@hotmail.com
|