HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

Dhahar oo La Gudoonsiiyay Koobkii Tartanka aqooneedka +Sawiro

Waxa Habeenimadii xalay Xaflad aad u heer sare ah logu dhigay Gobolkii Kaalinta kowaad ka galay tartankii Gobolada Somaliya iyo kii Kaalinta labaad galay Hotel Torobikaal oo ku yaala Bosaso 

 

 


Gobolka Sanaag oo horyaalka sanadka ah iyo Ki sanadkii hore oo Mudug ah ayaa Xaafladan sii weyn logu Abaal mariyey iyada oo weliba la siiyey Gobolkaasi Sanaag koobka aqoonta Gobolada ee Somaliya 2009, Madama aay ka soo dhex Bexeen 9 Gobol oo kale 



Xaaflada oo aay ka soo qeyb galeen Masuuliyin ka socota Dowlada Puntland, Shirkaada telcom oo iyadu maal gelisay taranka, Idaacada Horseed madax ka socota, Ururada haweenka, Ururada Dhalinyaada, Ganacsatada, Culimada Iyo Odayaasha Gobolka ayaa dhamaan ka soo qeyb galay xaaflada 



Haddaba Gobolka Guushu aay raacday ee Sanaag ayaa la siiyey Abaalmarino kala duwan oo isagu jira Koobab, lacago iyo waliba Duco badan oo logu duceyey in allaah u sii balaariyo Aqoontooda dhalinyarada




Masuuliyiinta Puntland ee halkaasi ka soo qeyb galay ayaa dhamaan sii weyn ugu mahadceliyey Gobolkaasi sanaag iyaga oo tilmaamay inay ku faraxsan yahiin guusha u ka gaaray dhanka aqoonta iyo Cilmiga, Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir ayaa kaga soo qeyb galay Xaaflada khadka telfoonka isaga oo sii weyn ugu mahadceliyey dhalinyarada gobolkaasi Sanaag guusha balaaran ee aay ka gareen Dhanka aqoonta, Sidoo kale Xildhibaan Caasho axmed cabdalla ayaa iyaduna sii diiran ugu mahadcelisay Gobolada ka qeyb galay Tartanka gaar ahan gobolada Mudug iyo sanaag oo guusha qatay, sidoo kalena ka jeedisey qudbo dheer.



Mus'uuliyiinta xaaflada ka qeyb galay ee kala ayaa iyaguna sidoo kale u mahadceliyey dhalinyarada Gobolka Sanaag sidoo kale, Waxana ka mid ah Masuuliyinta labada wasiir ku xigeen Ee Arrimaha Gudaha mudane yusuf axmed Khayr iyo Warfaafinta Mudane Abdishakuur mire aaden 



Ugu dambeyntii Cabdishakuur mire ayaa gudoonsiyey Gobolka sanaag koobka iyada oo u qaday Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolkaasi oo lagu magacaabo Yasiin Cabdiwaxiid Dhahar.

 

                              Guji Halkan Soo dhawyantii Bosaaso[Aqoonta]



Xaaflada ayaa ku soo Dhamaatay jawi degan iyo waliba sacab badan oo loo tumayey Gobolka sanaag oo sanadkan noqday Gobolka ku guuleysatay Koobka aqoonta Gobolada Dalka Somaliya 

 

 

                      Hoos ka Daawo Sawiro

Xildhibaan caasho

 


                    Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Puntland,Dr C/Shakuur


Siciid Axmed Baxwal Afhayeenka Tartamayaasha G/ka Sanaag Dhahar.


Yaasiin C/waaxid  Maxamed (Dhahar)- Gudoomiyaha Tartamayaasha G/ka Sanaag Dhahar- oo Koobkii Gudoomay

C/wali Xasan Gooni Agaasimaha Warbaahinta Horseed Media

Ustaad Xasan Maxamud Yuusuf Gud. Tartanka Heerkagobol ee warbaahinta HR Media

Xusuus:- Sawirada Waxa Na soo Gaadhsiiyay Maamulka Somalifans.com

 

Feyte Feyte, ayaa Habeeyay.

 

 

Back To Home